Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Agaasimaha wasaarada arimha gudaha,federaalka iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo lahadlay Radio Daar-dheer.
ayaa sheegay in sanadkaan inta ka dhiman ay soo gabagabaynayso wasaarada
arimaha gudaha,federaalka iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug
dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka kala gadisan ee dowlad goboleedka
Galmudug ee aan hada dhisnayn.
Wasaarada arimaha gudaha,fedraalka iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka
Galmudug ayaa waday bilihii lasoo dhaafay waday dadaalo ay kudoonayso taaba
galinta dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug,iyadoo uu hada
socdo dhismaha golaha deegaanka degmada Cadaado oo maraya meel gabogabo ah
sida wasaarada arimaha Gudaha Galmudug shaacisay
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya Bashiir maxamed Salaad.