Agab Caafimad oo la gaarsiiyeey degmada Ceelbarde

0
64

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Ceelbarde ee gobolka Bay ayaa laa gaarsiiyeey Agab caafimaad oo logu talagay xarumaha caafimaadka ee degmada si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada deegaanka. Deeqda caafimaad ayaa ka kooban dawooyin, qalab caafimaad, iyo agab kale oo lagama maarmaan u ah xarumaha daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.

Munaasabadda wareejinta agabka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada, wakiillo ka socday wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyo hay’ado samafal oo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo qaar ka mid ah bulshada degmada Ceelbarde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here