Agab loo qeybiyey dadka baahiyaha gaarka ee magaalada Dhuusamreeb.

0
44

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xoghayaha Caasimada Galmudug, Abdisalan Caabi Aadan, ayaa daahfuray qeybinta deeq ka timid Boqortooyada Sucuudiga oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Agabka deeqda ah ee la siiyey dadkaas ayaa waxaa ka mid ah gariyasha wiljeerka ah iyo ulaha dadka aragga la’ ee ay ku socdaan.

Warkan waxaa soo jeedinaysa:Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here