Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Al-Hilal ayaa weerar ku qaadaysa Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.
Kooxaha sucuudiga ayaa u muuqda kuwo weerar ku soo qaaday kooxaha reer yurub iyaga oo baanka u jabiyay xiddigo badan oo ugu dambeeyay xiddiga Karim Benzema.
Kooxda Al-Hilal ayaa si aad a u doonaysay saxiixa xiddiga Lionel Messi laakiin xiddiga reer Argentine ayaa iska diiday una dhaqaaqay kooxda Inter Miami.
Al-Hilal ayaa haatan dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo ay doonayso in ay ka dhigto saxiixa weyn ee ku soo biiraya sucuudiga.
Saxafiga Ekrem KONUR ayaa sheegaya in ay kooxda Al-Hilal doonayso in ay Mohamed Salh ka soo afduubato kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Al-Hilal ayaa diyaar u ah in ay Liverpool miiska u saarto lacag dhan 300 milyan oo euro si ay Ugu qanciso in ay ka iibiso Salah oo dhawaan Kooxda Liverpool u saxiixay heshiis cusub.