Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirrada Maaliyadda iyo Deegaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay aqoon is-weydaarsi qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada.
Aqoon is-weydaarsigan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha iyo siyaasadaha dalka ee la xiriira ka hortagga iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo la dhisayo hannaan mideysan oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladeed, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale
Waxaa soo jeedineysa: Sacdiya Abdulkaadir yusuf