Aqoon-is-weydaarsi Ku Saabsan Xuquuqda Aadanaha oo 25 Suxufi looga furay Guriceel.

0
51

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa si rasmi ah loogu furay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saarayo tebinta xuquuqda aadanaha, xalinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda, waxaana ka qeybgalaya 25 suxufi.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Maxamuud Cismaan Cabdulle, Xoghayaha Suxufiyiinta Galmudug, Xasan Cabdiraxmaan, Agaasimaha Tababarada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad, Xoghayaha degmada Guriceel.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here