Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Aqoon isweydaarsigan oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta shaqooyinka ay hayaan guddiyada nabadda ee Gobolada Mudug ee Puntland iyo Galmudug. Waxaa la isku dhaafsaday fikrado iyo xalal la xiriira sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada maamul.
Warbixintan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi