Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Aqoon-isweydaarsi looga hadlayay arrimaha dib-u-dejinta qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha dowlada Federaalka, hay’adaha samafalka, iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Ujeedada aqoon-isweydaarsigan ayaa ahayd in la falanqeeyo siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo dib-u-dejin waara oo ay helaan qaxootiga iyo barakacayaasha, si loogu fududeeyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo fursadaha nololeed ee waara.
Waxaa soo jeedinaya: Sacdiya Abdulkaadir yusuf.


