Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee casimada dalka kusoo xertay aqoon kororsi ku saabsan diyaarinta iyo qorista Cilmi-baarista Cafimaadka.
Aqoon kororsigan oo socday muda shan maalin ah islamarkana aay iska kaashadeen wasaaradda Cafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya,Machadka Cafimaadka Qaranka iyo Hay’adda Unicef ayaa waxaa ka faa’iideeystay
Howl wadeeno ka socday machadka Cafimaadka Qaranka,isbitaalada doowliga iyo wakiillo ka socday jamacadaha Muqdisho.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi