Arday barata culuumta shareecada islaamka oo imtixaan looga daahfuray Dhuusamareeb

0
144

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb, Abdirahman Ali Maxamed (Geeda-Qorow) iyo Sheekhul Baladka caasimadda Sheikh Cali Nuur Cilmi, iyo culimo kale ayaa daah-furay imtixaanka ay gelayaan ardayda wax ka barata Machadka Qiraa’aadka iyo Culuumta Shareecada Islaamka ee Caydaruus, faraciisa Dhuusamareeb.

Machadkan, oo xarumo kala duwan ku leh deegaanada Galmudug, ayaa lagu bartaa culuumta shareecada Islaamka iyo waxbarasho maadi ah. Kumannaan arday ah ayaa ka faa’iidaystay, iyagoo ka aflaxay barashada Qur’aanka kariimka ah, axkaamta diinta, iyo maadooyinka kale ee asaaska u ah nolosha casriga ah.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here