Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iskuulka Imaam Bukhaari ee magaalada Guriceel ayaa soo agaasimay doorashada guddoonka ardayda oo ujeedkeedu yahay horumarinta maamulka iyo wakiilnimada ardayda ee dhinacyada waxbarashada iyo fayo-qabka noloshooda maalinlaha ah.
Doorashadan ayaa lagu qabtay xarunta iskuulka iyadoo lagu saleeyey hab cadaalad iyo hufnaan leh. Ardayda ayaa u tartamayay jagada guddoomiyaha iyo kuxigeenka, iyadoo ay arday kastaa si xor ah codkiisa u dhiibanayey.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor