Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadaan oo ay ku qalinjabinayeen Dufcadii afaraad ee ka baxday Jaamacadda Modern Faraceeda magaalada Galkacyo kuwaas oo dhameystay waxbarashada Heerka koowaad ee Jaamacadda ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Galkacyo .
Munaasanada Qalinjabinta oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin ka Tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug Iyo Puntland,Waxgarad,Aqoon yahano ,xubno ka socday bahda Waxbarashada Gobalka Mudug iyo Waalidiin ayaa aheyd mid dhiiri galin loogu sameeynayay 39 Arday oo maanta ka qalin jabiyay Jaamacadda Modern Faraceeda Gaalkacyo.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi