Arsenal ayaa si cajiib ah ugu guuleysatay Manchester City

0
3

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Arsenal ayaa si xoog leh ugu xasuuqday Manchester City kulan ka dhacay Emirates, iyadoo guushu ay ka dhigtay 5-1. Kooxda Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si aad u wanaagsan, waxaana goolka ugu horreeya ee ciyaarta u dhaliyay kabtanka Martin Ødegaard daqiiqadii 2-aad, taas oo kooxda hogaanka u dhiibtay.

Manchester City waxay isku dayday inay la soo laabato ciyaarta, laakiin ma aysan helin fursad wanaagsan. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 oo Arsenal ay hogaaminayso.

Qaybtii labaad, Man City ayaa si xoog leh ugu soo laabatay, waxaana daqiiqadii 55-aad goolka bar-bardhaca dhaliyay Erling Haaland. Si kastaba, Arsenal ayaa isla markiiba dib ula wareegtay hogaanka iyagoo goolka labaad u dhaliyay Thomas Partey, ciyaarta ka dhigay 2-1.

Arsenal kuma joogsan oo waxay sii wadeen weerarka, waxaana goolka saddexaad dhaliyay Lewis-Skelly, kaasi oo ciyaarta ka dhigay 3-1. Xiddiga Kai Havertz ayaa sidoo kale gool dhaliyay daqiiqadii 76-aad, taas oo ciyaarta ka dhigtay 4-1.

Daqiiqadii ugu dambeysay, da’yarka Ethan Nwaneri ayaa gool wareer ah dhaliyay, ciyaarta ka dhigay 5-1. Ugu dambeyntii, Arsenal ayaa si xun ugu xasuuqday Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here