Arsenal Iyo Tottenham Oo Ku Kala Baxay Bar-Baro

0
49

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Arsenal iyo Tottenham ayaa si deg-deg ah isugu jawaabayay wax walba oo dhaca iyaga oo koox walba dhinaceeda u doonaysay in ay 3-da dhibcood jeebka ku shubato.

Kulanka ayuu hadheeyay khaladaad ay sameeyeen xiddigaha labada kooxood iyaga oo daafacyada labada kooxood khaladaad badan galay.

Kadib cadaadis badan Arsenal ayaa daqiiqadii 26-aad heshay goolka laakiin waxa is khaldan isaga dhaliyay xiddiga Christian Romero kaas oo hogaanka u dhiibay Arsenal.

Daqiiqadii 42-aad ayay Tottenham heshay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Son Heung-min kaas oo ciyaarta ka dhigtay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybta dambe ayay Arsenal sii dar-dar leh ku bilabaatay ciyaarta waxana ay doonayeen in ay ku soo laabtaan hogaanka.

Daqiiqadii 54-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Arsenal ku hogaaminayso.

Tottenham ayaan is dhiibin waxana ay bilaabeen in ay raadiyaan ku soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 55-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 2-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Son Heung-min kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah kadib kulan xiiso leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here