Arsenal oo 8aad dhibcood ku qabatay hogaanka Premier League

0
43

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Arsenal ayaa 8aad dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Premier League ka dib markii ay deriskooda ay neceb yihiin ee Tottenham ay ku garaaceen 2-0 ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacday garoonka Tottenham Hotspur Stadium.

Gunners ayaa u awood sheegatay Spurs iyagoo uga badiyay gool uu iska dhaliyay goolhaye Hugo Lloris iyo gool uu u dhaliyay kabtankooda Martin Odegaard.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay sideed dhibcood ka sareyso kooxda kaalinta labaad ee Manchester City iyagoo ciyaaray 18 kulan.

Waxay aheyd markii ugu horeysay ee goolhayaha Faransiiska uu gool iska dhaliyay 354 kulan oo Premier League ah uu ciyaaray.

Weerarka Arsenal halkaas kuma joogsanin iyadoo Thomas Partey uu kubad gantaal aheyd birta ku garaacay ka hor inta aysan Gunners hogaanka sii dheereysanin daqiiqadii 36aad.

Goolhaye Ramsdale ayaa labo fursadood oo waa weyn ka badbaadiyay Ryan Sessegnon iyo Harry Kane todobadii daqiiqadood ee ugu horeysay qeybta labaad ee ciyaarta.

 Daqiiqadii 69aad Nketiah ayaa qasaariyay fursad uu ciyaarta ku dili karay ka dib markii uu koontarooli waayay kubad loo hor dhigay goolka, inkastoo uu kubada markii danbe qabsaday hadana waxaa ku soo baxay oo darbadiisa badbaadiyay goolhaye Lloris.

Bedel kasta uu sameeyay Conte waa awoodi waayay inuu kooxdiisa ka caawiyo inay ciyaarta ku soo laabato, taasoo keentay in Arsenal ay deriskooda ay neceb yihiin ku garaacaan 2-0 islamarkaana sii dheereystaan hogaankooda horyaalka Premier League oo ay ka dhigteen sideed dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here