Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn garaacday kooxda Man City kadib kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Emirates.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Kooxda Man City ayaa ku fiicnayd maamulista ciyaarta laakiin Arsenal ayaa ahayd kooxda ku fiican dhinaca weerarka.
Arsenal ayaa marar badan isku dayday in ay dhaliso goolal xilli ay Man City ku adkayd in ay wax fursado ah samayso.
Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo Arsenal u qalantay in ay dhaliso goolal.
Arintaas ayaa dhacday markii ugu horaysay tan ilaa 2012 markaas oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah.
Qaybta dambe ayay Arsenal ahayd kooxda fiican iyaga oo dhinaca weerarka kaga fiicnaa kooxda Man City.
Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool laakiin daafaca City ayaa si fiican u shaqeeyay.
Dhinaca weerarka Man City ayaa ku dhibaatootay waxana ay awood u waayeen in ay wax saamayn ah ku sameeyaan.
Man City ayaa kaliya ku fiicnayd in ay ciyaarta maamusho oo ay kubada haysato.
Kadib dadaal dhinac walba ah oo ay samaysay kooxda Arsenal ayaa ka midho dhalisay dadaalkeeda.
Daqiiqadii 86-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Man City ee Nathan Ake.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal garaacday kooxda Man City kana gaashay guusheedii ugu horaysay muddo dheer.