Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti fog ah ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Gabriel Magalhães.Xiddiga Gabriel Magalhães ayaa kooxda Arsenal ku soo biiray sanadkii 2020 waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiica Arsenal sanadihii uu joogay.Xiddiga reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkan muhiim u noqday Arsenal isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay hogaamiso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.Gabriel Magalhães ayaa go’aansaday in uu Arsenal u saxiixo heshiis cusub kadib markii uu shaki soo fuulay mustaqbalkiisa suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.Gabriel ayaa haatan Arsenal sii joogi doona sanado badan kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub ee Kooxda Arsenal.