Arsenal oo sii dheereysatay hoggaanka Premier.

0
65

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Arsenal ayaa sii dhedreysatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay kaga adkaatay Brighton & Hove Albion 2-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Arsenal.

Daqiiqadii 2-aad ee bilowgii ciyaarta Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Bukayo Saka.

39 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Martin Ødegaard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Gunners.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad Arsenal ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Eddie Nketiah.

Laakiin 65 daqiiqo markii ay dheesha mareysay kooxda Brighton & Hove Albion ayaa soo soo celisay gool, waxaana 1-3 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Kaoru Mitoma oo caawin ka helay saaxiibkiis Gross.

71 daqiiqo marka a dheesha mareysay Martinelli oo caawin ka helay saaxiibkiis Odegaard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Markale daqiiqadii 77-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa dhalisay gool waxaana 2-4 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Evan Ferguson.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-4 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Brighton & Hove Albion oo ay booqatay, Gunners ayaa kaddib guushan waxay dheereystay hoggaaminta horyaalka waxayna leedahay 43 dhibcood, waxayna 7 dhibcood nadiifka ka sarreysaa kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here