Arsenal oo Xasuuqday PSV & Real Madrid oo garaacday Atletico Madrid.

0
33

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Arsenal ayaa ku cadho bur-burtay kooxda PSV kula ka tirsanaa Champions League lugta 1-aad ee wareega 16-ka.

Arsenal ayaa kulanka Soo gashay iyaga oo bilaa guul ah kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga Timber ayaa dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 18-aad ka Hor inta uuna xiddiga Nwaneri raacin goolka 2-aad daqiiqadii 21-aad kana dhigin 2/0.

Xiddiga Mikel Merino ayaa dhaliyay goolka 3-aad daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta.

Kooxda PSV ayaa daqiiqadiihii ugu dambeeyay dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Lang kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Kabtanka Kooxda ee Ødegaard ayaa daqiiqadii 46-aad dhaliyay goolka 4-aad ka Hor inta uuna Trossard dhalin goolka 5-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 48-aad.

Kabtanka Arsenal ee Odegaard ayaa daqiiqadii 78-aaf dhaliyay goolka 6-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka Dhigay 6/1.

Calafiori ayaa dhaliyay goolka 7-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka Dhigay 7/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul weyn ka Gaadhay kooxda PSV Hal lug-na la Gashay Qurter-final-ka Champions League.

Dhinaca kale kooxda Real Madrid ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan labada kooxood si fiican u ciyaareen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here