Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Arsenal ayaa isha ku haysa inay gaarto finalka UEFA Champions League markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2006, iyadoo wajahaysa kooxda Paris Saint-Germain (PSG) lugta labaad ee semi-finalka oo la ciyaari doono toddobaadka soo socda.
Labada kooxood ayaa horay isugu arkay xilli ciyaareedkan, markaasoo Arsenal ay 2-0 guul ah ka gaadhay PSG bishii October. Hase yeeshee, PSG oo uu hogaaminayo Luis Enrique ayaa si weyn u horumartay tan iyo markaas, waxayna aaminsan tahay inay awood u leedahay inay jabiso difaaca adag ee Arsenal, iyadoo kulanka dhici doona garoonkooda Parc des Princes.
Arsenal oo uu tababare u yahay Mikel Arteta ayaa si weyn u muujisay awooddeeda tartankan, gaar ahaan kulankii ay si cajiib ah uga takhalustay kooxda difaacanaysay koobka ee Real Madrid wareegga siddeed-dhammaadka. Taasi waxay sii xoojisay kalsoonida kooxda ee ah inay gaadhi karto finalka weyn ee ka dhici doona Munich 31ka May.
Fursadda Kubadaha Madaxa: Meesha PSG Ka Liidato
Kooxda PSG ayaa xilli ciyaareedkan dhibaato weyn kala kulmaysa goolasha madaxda ah, iyadoo 38% goolasha laga dhaliyay ay yihiin kubbado madax ah. Tani waa daciifnimo muuqata oo Arsenal ka faa’iidaysan karto, maadaama ay si wanaagsan ugu ciyaarto karoosyada, isla markaana weeraryahanadeedu ay khatar ku yihiin kubbadaha cirka.
Arsenal: Koox Awood u leh Ciyaarta Aan Kubad Lagu Haysan
Luis Enrique ayaa horraantii xilli ciyaareedkan ku tilmaamay Arsenal inay tahay kooxda ugu fiican Yurub marka aysan kubadda haysanin, taasoo markaas u muuqanaysay hadal dhiirigelin ah, balse haatan u muuqata mid xaqiiqo ah. Arsenal ayaa kulankii hore si buuxda uga awood roonaatay PSG, iyagoo ciyaarta jidh ahaan u maamuley, taasoo ugu dambeyntii keentay guul 2-0 ah.
Bukayo Saka: Furaha Arsenal ee Guusha
Xiddiga reer England Bukayo Saka ayaa markale noqon kara halyeyga Arsenal kulanka lugta labaad. Waxa uu si tartiib tartiib ah uga soo kabanayaa dhaawac uu qabay tan iyo bishii December, waxaana uu haatan dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
Saka ayaa door weyn ka qaatay guushii Arsenal ka gaadhay Real Madrid, wuxuuna sidoo kale ahaa kabtankii kooxda markii ay la ciyaartay PSG bishii October – kulankaasoo uu dhaliyay gool laad xor ah, isla markaana uu bandhig heer sare ah sameeyay.
Loolanka u dhexeeya Saka iyo daafaca bidix ee PSG Nuno Mendes ayaa noqon doona mid go’aamin kara jihada natiijada kulanka, maadaama Saka uu yahay halyeey si toos ah u dhaawici kara difaaca haddii fursad loo siiyo.