Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa boqolkiiba 20 siiyay Gunners fursad ay ugu guulaysan karaan horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa la siiyay fursad dahabi ah oo ay ku soo yareyn karto farqiga u dhexeeya Liverpool,ka dib markii ay arkeen kooxda hogaanka heysa dhibco ku lumisay kulankii Aston villa laakiin Arsenal ayaa ku Fashilantay in ay ka faa’iidaysato iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda West Ham.
Kadib waxa ay daawadeen Liverpool oo garaacday Man City siina dheeraysatay hogaanka Premier League.
Natiijadu waxay Liverpool 11 dhibcood ka sarraysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Arsenal.
Wenger waxa uu qiray in rajadiisa hanashada horyaalka Gunners ay sii yaraanayso.
Isagoo u hadlayay beIN SPORTS waqtigii nasashada ee ciyaarta Etihad, Wenger wuxuu yiri: “Haddii Liverpool ay badiso maanta, waxaad dhihi kartaa 80% Liverpool ayaa ku Guulayanaysa premier league”.
Mar la weydiiyay fursadaha Arsenal, Wenger ayaa ku daray: “Waa inaad rajo ilaalisaa! [Arsenal] waxay haysataa 20% fursad.