Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, qaar kamida xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaad maal mahaan kataagnayd bariga gobolkan Galgaduud taaas oo udhaxaysa labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega.
Maamulka iyo dhaqanka ayaa siwada jira ku baaqay in xabada shuraad la’aan la joojiyo wixii tabashaana gogol lagu dhameeyo sida ay shegeen.
Warkan waxaa soo jeedinaya:-Liban Mohamed Abdi