Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maxamuud Cismaan Beeray, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA, oo ka qaybgalay Barnaamijka Dooda Toddobaadka ee Daar Dheer. Ayaa bahda warbaahinta Galmudug ugu baaqay in ay soo bandhigaan wax soo saarka deegaanka, si bulshadu u fahamto ahmiyadda wax soo saarka deegaanka.
Dhanka kale, Maxamuud Cismaan Beeray ayaa hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka ugu baaqay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan warbaahinta, si loo soo bandhigo muhiimada wax soo saarka deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf