Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kulan Duco iyo Qur’aan Aqris ah ayaa Bahda waxbarashadu iyo Warbaahintu ee degmada Caabudwaaq waxa ay usameeyeen Alle ha unaxariistee Samafale Wariye Cabdikariin Ahmed Bulxan oo maalmo ka hor lagu dilay degamadaas.
Waxaana kulankan lugu Qabtay Xaruunta agoonta oo uu Gacanta ku hayay marxuunku eebbe ha unaxariistee.
Wariye Abdikarin Ahmed Bulxan ayaa ahaa wariye mudo warbaahinta ku soo jiray iyo sidoo kale samafale ka shaqeeya arimaha bulshada waxana uu gacanta ku ahayey xarun lagu xanaaneyo carruurta agoonta e degmada Caabudwaaq.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor