Bandhig buug looga hadlayay caadooyinka wanaagsan ee bisha Ramadaan oo Dhuusamareeb logu qabtay.

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad lagu soo bandhigay buugga Strategic Ramadan Habits oo uu qoray Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa ka dhacday Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug. Bandhiggan waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, wasiirro, aqoonyahanno, dhalinyaro, iyo marti-sharaf kale.
Qoraaga buugga ayaa sharaxay ujeeddada uu u qoray iyo muhiimada uu u leeyahay bulshada, isagoo xusay in buuggu iftiiminayo caadooyinka wanaagsan ee la xoojiyo bisha Ramadaan iyo guud ahaan nolosha qofka.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here