Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si rasmi ah u soo xiray Carwada Buugaagta Galmudug, oo muddo laba maalmood ah ka socotay caasimadda Dhuusamarreeb. Bandhiggan oo ahaa mid muhiim ah, ayaa soo bandhigay buugaag kala duwan, iyadoo la isugu keenay dhinacyo badan oo ka tirsan bulshada, qoraayaal, iyo suxufiyiin.