Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Masiibooyinka dabiiciga ah ee ay ka mid tahay abaarta oo muddo dheer ka jiray inta badan gobolada dalka soomaliya ayaa sababay in dad badani ka hayaaman deegaanadoodii waxaana maalin walba xeryaha barakacayaasha magaalada dhuusmareeb soo gaaraya dad dhibaateysan oohorleh una badan haween, caruur iyo dad da’ ah.
Kaamka barakacayaasha ee lagu magacaabo Dooxa kuna yaala xaafada waaberi ee magaalada dhuusamareb waxaana soo buux dhaafiyey dad intooda badan kasoo barakacay deegaanada bari ee gobolka galgadud sida ceelbuur, Ceelbgaras iyo meela kale waxayna radio Daardheer sheegay in duruufaha adag ee ku kalifay in ay soo kasoo barakacaan deegaanadoodii ay ku noolaayeen ay qeyb ka tahay ka dib markii xoolahoodii ay ku dhaafeen abaaro deeganadas ku dhuftay ayna soo maciinsadeen magaalada dhusamareeb Caasimada Maamulka Galmudug.
Dhanka kale Jamaad Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka kaamka ayaa nooga waramaysa dhibaatooyinka haysta barakayaasha soo gaaray kaamka waxayna dalbatay in laga saacido in looqodo musuqulo si looga hortago in cudurro kadilaacaan xerada ay kunoolyihiin
Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adaran , iyadoo taasi ay keentay in dad badan ka hayaameen deegaaandoodii.
Warbixintan waxaa soo jeedinaysa-Xamdi Diiriye Cali