Barakacayaal ku nool Baydho oo codsaday gargaar

0
19

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ka qayb galay munaasabada xarig-jarka xarun ganacsi oo cusub oo laga hirgeliyay degmadaas. Xaruntan ganacsi ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka ciyaarto kobcinta dhaqaalaha degmada, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta adeegyada ganacsi ee bulshada deegaanka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, ganacsato iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha degmada Muxiyadiin Aadan Wali oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ku bogaadinayo ganacsatada iyo maalgashadayaasha hirgeliyay xaruntaan isagoo xusay in maamulka degmada uu mar walba garab taagan yahay dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha deegaanka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here