Kulammo ka tirsan heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaaray, iyadoo ay ku jireen kulammo waa weyn.Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa kulan Lix gool leyska dhaliyay ee ka dhacay garoonka Camp Nou waxay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, taasoo ka dhigeysa in haddii kulanka soo aadan ay Inter guul gaarto ay u gudbi doonto wareega xiga ee tartankan.Kooxda reer Germanay ee Bayern Munich ayaa ku oo garaacday dhigeeda Viktoria Plzen oo ay booqdeen, waxayna kaga soo adkaatay 2-4, Mane, Muller iyo Goretzka ayaa goolasha u kaladhaliyay Bayern.Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka soo gaartay naadiga Rangers kaddib markii ay dhagta ciida ugu dartay 1-7, iyadoo ay goolasha Reds kala qeybsadeen, Salah oo saddexleey dhaliyay, Firmino, Elliott iyo Nunez,Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:
Group A
Napoli 4-2 Ajax
Rangers 1-7 Liverpool
Group B
Atletico Madrid 0-0 Club Brugge
Bayer Leverkusen 0-3 FC Porto
Group C
Barcelona 3-3 Inter
Viktoria Plzen 2-4 Bayern Munich
Group D
Sporting CP 0-2 Marseille
Tottenham Hotspur 3-2 Eintracht Frankfurt