Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Barcelona ayaa ka walaacsan xaalada taam ahaansho xiddigo badan oo kooxdeeda ah ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga sabtida.
Jules Kounde ayaa hubaal ah inuu El Clasico kaga maqnaan doono dhaawac jilibka ah, iyadoo xiddiga reer aan la filayn in uu soo laabto ilaa fasaxa caalamiga ah ee November.
Sergi Roberto ayaa sidoo kale la filayaa in uu seego sabab la xidhiidha dhaawac kubka ah halka rajadii uu Pedri ka qabay inuu ka soo kabsado dhaawac bowdada ah waqtigii ciyaarta Real Madrid ay u muuqato mid aan fiicnayn.
Barcelona ayaa sidoo kale la filayaa inay weyso Frenkie de Jong, iyadoo xiddiga khadka dhexe ku dhibaatoonayo dhaawac canqowga ah ee uu ka soo gaaray kulankii Celta Vigo bishii hore.
Sida laga soo xigtay Sport, kooxda reer Catalan diyaar uma aha inay wax halis ah galiso De Jong, waxaana laga yaabaa inuu xitaa ka maqnaado ilaa fasaxa caalamiga ah ee November.
Raphinha iyo Robert Lewandowski ayaa mar kale labadoodaba seegay kulankii Shakhtar Donetsk ee Champions League Arbacadii, taasoo ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Xavi.
Si kasta ha ahaatee labada xiddig ayaa la filayaa in ay tababartaan maanta oo khamiis ah waxana la qiimayn doonaa xaaladooda ka hor kulanka El Clasico.