Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wargeyska Catalanka ah ee Sport ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Barcelona uu go’aan kama dambeys ah ka gaaray suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo si cad u sheegay inaysan kooxdu damacsanayn inay keenaan daafac cusub, inkasta oo Inigo Martínez uu si lama filaan ah ugu biiray Al Nassr.
Sida uu wargeysku sheegay, mudnaanta ugu weyn ee Barcelona waqtigan waa inay diiwaangeliyaan ciyaartoyda cusub ee ay la soo wareegeen, halkii ay ku mashquuli lahaayeen saxiixyo cusub oo sii murjin kara xaaladda dhaqaale ee kooxda.
Shaqaalaha farsamada ayaa aaminsan in afartan daafac ay ku filan yihiin baahida kooxda ee xilli ciyaareedka cusub, sidaa darteedna aysan jirin baahi degdeg ah oo saxiix cusub loogu qabo.
Barcelona ayaa xagaagan la wareegtay ciyaartoy ay ka mid yihiin Juan Garcia, Marcus Rashford, iyo Rony Pedrigi, iyagoo sidoo kale qandaraas cusub siiyay Wojciech Szczesny. Si kastaba, ilaa hadda kooxda uma suurtagelin inay ciyaartoydan ka diiwaangeliyaan La Liga sababo la xiriira xayiraadaha miisaaniyadda mushaharka.