Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Barcelona ayaa ku guuleysatay Copa del Rey ka dib markii ay 3-2 ku garaacday Real Madrid ciyaar xiiso leh. Goolka ugu horeeya waxaa dhaliyay Pedri, ka dib weerar cajiib ah oo ay ka qeyb galeen Lamine Yamal iyo Koparsi. Real Madrid waxay goolka bar-baraha u keentay Kylian Mbappé, halka Aurelien Tchouameni uu goolka labaad dhaliyay. Barcelona waxay barbaraha ka dhaliyeen Ferran Torres. Ciyaartu waxay gashay waqti dheeri ah, waxaana goolka guusha dhaliyay Jules Kounde daqiiqadii 116-aad. Real Madrid waxay isku dayday inay bar-baraha keento, balse guusha ayaa ku raacday Barcelona.