Barcelona ayaa xaqiijisay in Frenkie de Jong uu muddo ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.
25-sano jirkaan ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartii ay Barcelona 2-1 kaga badisay Real Madrid todobaadkii hore, laakiin ma aadin waajibaadka xulka qarankiisa kulamada isreebreebka Euro 2024 ee France iyo Gibraltar sababo la xiriira xanuun. muruqa.
Markii hore, waxaa loo maleynayay in ciyaaryahanka khadka dhexe la nasinayo, iyadoo Barcelona filaysay in uu taam u noqdo kulanka El Clasico ee kadib fasaxa xulalka.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xavi ayaa haatan filaysa in ay waydo xiddiga khadka dhexe ugu yaraan dhawrka todobaad ee soo socda kadib dhaawacii soo gaadhay.
“Tijaabooyin la sameeyay maanta waxay muujiyeen in Frenkie de Jong uu qabo dhaawac muruqa midig ah waxana uu maqnaan doona inta uu soo kabsanayo”ayay kooxdu warbixin ku soo saartay.