Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Maxaas ayaa sheegay in biyo yari daran ay ka taagan tahay deegaanno hoostaga degmadaas, kadib markii lasumeyay ceelashii ay dadka iyo xooluhu ka cabi jireen.
Masuulkan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in falkaan uu khatar weyn ku yahay nolosha shacabka iyo deegaanka, isagoo xusay in ay socdaan dadaallo ay wadaan maamulka iyo hay’adaha gargaarka si loo daweeyo ceelasha sumeysan ama biyo kale loo heli karo.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor