Bruno Fernandes oo ku digtay Liverpool Kadib markii ay Man United u Soo Baxday Champions League

0
74

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester United ayaa u soo baxday Champions League ka dib markii ay 4-1 kaga badisay Chelsea garoonka Old Trafford.

Halkii uu u dabaal-dagi lahaa shaqada fiican ee ay kooxdiisu qabatay, Kabtanka Man United ee Bruno Fernandes ayaa ku digtay kooxda Liverpool.

“Waan ogahay in ay wax badan nooga dhigantahay in aan u soo baxno champions League, waxa aan qabanay wixii aan doonaynay”ayuu Bruno u sheegay Sky Sport.

“Sida iska cad waanu ogayn in ay [taageerayaashu] ku farxi doonaan in Liverpool aysan ka ciyaari doonin champions League, laakiin anagu sidaas uma eegayno arinta waxa aan kaliya fiirinaynaa nafteena”.

Liverpool ayaa markii ugu horaysya intii uu Klopp hogaaminayay kooxda ku fashilantay in ay u soo baxdo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here