Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay kulan isugu jira mahadcelin iyo sagootin oo si gaar ah loogu sameeyay guddiga dhismaha isbitaalka magaalada. Kulankan ayaa lagu muujiyay dadaalka iyo kaalinta muhiimka ah ee guddigu ka qaatay hirgelinta isbitaalka, taas oo ah talaabo horumarineed oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha caafimaad ee deegaanka. Mas’uuliyiin, waxgarad iyo bulshada deegaanka ayaa ka qaybgalay munaasabadda, iyaga oo si wadajir ah u muujiyay taageeradooda iyo bogaadinta hawl-wadeennadii ku guuleystay hirgelinta mashruucaasi muhiimka ah.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed