Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Bulshada deegaanka Godjeerin oo hoos tagta degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa ay sheegeen inay deegaanka ka jiraan baahiyo waxbarasho. Sanad ka hor ayaa markii ugu horraysay deegaankaas laga hirgeliyay iskuul ay dadka deegaanku qaab isxil-qaan ah ku hirgeliyeen.
Madaxa waxbarashada Degmada Baxdo Abdullahi Beynaad iyo xubno ka socdey midowga Dhalinyarada Degmada Baxdo Ayaa safar daarnaa u,kuur galida baahiyaha waxbarashado ku tagey Deegaanka Godjeerin ee hoos taga Degmada Baxdo ee gobolka galgaduud.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali