Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bulshada deegaanka Waradhumaleh ayaa baaq u diray shirkadda isgaarsiinta Hormuud, iyaga oo codsaday in la gaarsiiyo adeegga isgaarsiinta deegaanka.
Sidoo kale, mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Galmudug Mohamed Hashi Dhoore ayaa ugu baaqay shirkadda Hormuud in ay ka shaqeyso in deegaanka loo soo gaarsiiyo adeegga isgaarsiinta.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor