Bulshada deegaanka xamurre ee Degmada Xeraale oo codsaday adeegyo waxbarasho.

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bulshada ku nool deegaanka Xamure oo hoostaga degmada Xeraale ayaa codsaday in la gaarsiiyo adeegyada waxbarashada aasaasiga ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in carruur badan ay ka maqan yihiin fursado waxbarasho, taasoo sababtay in dhalinyaro badan ay ku barbaaraan iyagoo aan helin aqoon dugsiyeed.

Odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta deegaanka ayaa ku baaqay in dowlad goboleedka Galmudug iyo hay’adaha samafalka ay kaalin muuqata ka qaataan sidii loo dhisi lahaa dugsiyo, loona keeni lahaa macallimiin iyo agab waxbarasho.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdfitah Mohamed Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here