Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Bulshada ku dhaqan deegaanka Higlaale ee gobolka Mudug ayaa ka cabanaya biyo la’aan baahsan oo saameyn weyn ku yeelatay noloshooda. Intii uu socday kormeer uu halkaas ku tegay guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug, Badal Libaan Maxamed, ayay dadka deegaanka si qoto dheer uga warbixiyeen dhibaatada ka haysata helitaanka biyo nadiif ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in biyo la’aanta ay horseedday in xoolaha ay dabar go’aan, halka haweenka iyo carruurta ay waqti badan ku bixiyaan helitaanka biyo, iyagoo mararka qaar safro dheer u gala si ay biyo uga helaan meelaha ka baxsan deegaanka
waxaana inoo soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor