Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bulshada deegaanka Iidow, oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, ayaa codsi u jeediyay Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in ay jirto baahi weyn oo dhanka waxbarashada ah, isla markaana carruur badan ay ka maqan yihiin fursad waxbarasho oo habboon.
Warkan waxaa soo jeedineya:Sadio Abdulkadir Yusuf