Bulshada degmada Dhoobleey oo lagu baaqay ilaalinta dhirta.

0
4

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bulshada ku nool degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu baaqay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta dhirta iyo deegaanka, si looga hortago xaalufinta iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto deegaanka iyo nolosha bulshada.

Baaqan ayaa waxaa soo jeediyay qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, kuwaas oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan jarista dhirta iyo gubista dhuxusha, isla markaana ay ku dadaalaan abuurista dhir cusub, si loo ilaaliyo bilicda deegaanka loona yareeyo saamaynta isbeddelka cimilada.

Warkan waxaa faah faahineysa:Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here