Bulshada degmada Dhoobleey oo loogu baaqay ilaalinta dhirta.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iyadoo sanadihii u dambeeyay guud ahaan dalka Soomaaliya ay si xowli ah ay ku soo badaneysay xaalufka dhirta, taasoo dhibaato ba’an ku keentay deegaanka, ayaa arrintaasi noqotay mid si toos ah u saameysay nolosha dadka.

Xaalufinta dhirta ayaa keentay isbeddel cimiladeed oo ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqday, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nolol maalmeedka bulshada. Qaar ka mid ah aqoonyahannada degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan dhirta, kana fogaadaan xaalufinta aan xadka lahayn, si loo badbaadiyo deegaanka, loona hubiyo mustaqbal nololeed oo waara.

Warbixintaan Waxaa soojeedinaysa Sacio Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here