Bulshada Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo soo Dhaweeysay maamulka Cusub

0
70

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Iyadoo maalintii shalay ahayd Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan si diirran loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Cusub ee Madaxwaynaha Hirshabeelle usoo magacaabay ayaa Shacabka degmadaasi waxa ay guddoomiyaha la wadaageen in ay u taallo shaqo culus oo ubaahan in wax laga qabto.

hadalo soo dhowayn ah ayaa laga jeediyay xaflad kooban oo lagu qabtay Gudaha Degmada waxaa dadkii halkaa ka hadlay sheegen inay soo dhowaynayaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye oo loosoo magacaabay Guddoomiyaha Degmada.

Dhanka kale Guddoomiyaha cusub ee Degmada Matabaan Bashiir Abdirahman ayaa bulshada soo dhowaysay u mahad celiayay sheegayna in baahiyaha ay degmadu qabto uu wax ka qaban doono.

Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya Abdidaahir Garaad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here