Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Xarardheere ee koofurta gobolka Mudug ayaa siwayn uga qayb qaadanaya qaadashada kaarka codbixinta doorashooyinka oo dhowaan laga billaabay degmadaas.
Bulshada isugu soo baxday goobaha loo asteeyay isdiiwaangelinta ee degmada Xarardheere oo dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay inay ku farxsanyihiin hannaanka isdiiwaangelinta ee guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha qaranku uu kawado degmadaas.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad


