Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iyadoo deegaano hoostimada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ay ka socdan colaad-beeleedyo ka dhashay khilaafaadka dhul daaqsimeed, ayaa qaar ka mid ah Shacabka Gaalkacyo waxaa ay dadka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay nabad kuwada noolaadan.
Dhanka kale maamuladda Galmudug iyo Puntland ayay ugu baaqeen inay ka qayb qaataan joojinta dagaallada qabaa’ilka ee ka socda galbeedka gobalka Mudug.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf