Bulshada Galmudug oo loo digay barnaamijyada online-ka ah ee ay lacagta gelinayaan.

0
33

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mudooyinkii u dambeeyay, waxaa deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug kusoo batay barnaamijyo online ah oo dadweynaha loogu sheegayo inay maalgelin sameeyaan si ay lacag uga helaan internet-ka. Nasiib darro, barnaamijyadan ayaa badankood noqonaya kuwo khiyaano ah, kuwaasoo marka dadka ay lacagtooda ku shubaan, si lama filaan ah uga baxa hawada.
Aqoonyahannada Magaalada Dhuusamareeb ayaa uga digay bulshada inaysan si fudud ugu shubin lacag app-yo ama barnaamijyo aysan si wanaagsan u aqoon.
Waxay sheegeen in sanad walba ay jiraan dad badan oo lacagtooda ku waaya falal noocan oo kale ah.

Warkaan waxaa soo jeedinayaa: Abdulahi Abdulkadir Nor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here