Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Qaar kamid ah dhalinyarada aqoonyahannada Dhuusamareeb oo marti ku ahaa barnaamijka dhalinyarada ee Radio Daar-Dheer ayaa bulshada Galmudug ugu baaqay inay taageero u muujiyaan dhalinyarada ku shaqeysata kab-caseynta.
Waxay si gaar ah u tilmaameen in dhalinyarada ku hawlan kab-caseynta ay mudan yihiin dhiirigelin si loo kobciyo dadaalkooda iyo inay helaan fursado horumarineed.
Waxaa kale oo ay carrabka ku dhufteen in bulshada looga baahan yahay inay joojiyaan fikradaha taban ee shaqooyinka farsamada ku saabsan, taas beddelkeedana ay u arkaan kuwo sharaf leh oo wax tar u leh bulshada iyo dhaqaalaha.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jamac