Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shiikh Maxamuud Maxamed Cali “Sh.Maxamuud Guriceel” oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaan deegaanada Galmudug ayaa isaga khudbad ka jeediyay Masjidka Jaamacatul Raqay ee Caasimadda Dhusamareeb, oo ay isugu yimaadeen bulsho badan waxaa shacabka magaalada Dhusamareeb iyo Dhammaan Umadda Soomaaliyeed uga digay Dhibaatada Dulmiga iyo mushkiladda dhulalka, isagoo ku booriyay bulshada in horumarka iyo dib u dhiska dalka laga qayb qaato.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali