CHAMPIONS!!! Barcelona oo Ku Guuleysatay Horyaalka Spain Ee LaLiga

0
64

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku guuleystay horyaalkeedii 27aad oo xalau loo caleemo-saaray kaddib markii ay guul weyn ka gareen  kooxda ay isku magaalada yihiin ee Espanyol, taas oo ay kaga adkaatay 4-2.

Barcelona ayaa soo afjartay abaar Saddex sannadood ahayd oo ka haysatay horyaalka LaLiga, waxaana dib ugu soo celiyey Xavi Hernandez oo xilli ciyaareedkiisii labaadku qaatay Camp Nou.

Barcelona ayaa horyaalka ku guuleysatay iyadoo afar ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana guushooda maanta isku qoray Robert Lewandowski oo laba gool dhaliyey, Alejandro Balde oo ahaa xiddiga qabsaday quluubta taageereyaasha oo sameeyey goolka koowaad, midka labaadna saxeexay halka Jules Kounde uu goolka afraad keenay markii lagu soo noqday qaybta labaad.

Espanyol ayaa si adag u dagaallantay qaybtii dambe oo hurdada ka toostay, waxaanay keentay laba gool oo soo afjaray kulamadii xidhiidhka ahaa ee uu nadiifta ahaa shabaqa Barcelona.

Saddexdii sannadood ee u dambeeyey, ayaa waxa horyaalka qaybsaday labada kooxood ee isku magaalada ah ee Real Madrid oo laba jeer qaadday iyo Atletico Madrid, laakiin sannadkan ayay mar kale dib usoo noqotay Barca oo kasoo doogaysa dhibaatooyinkii dhaqaale xumada ee ku habsaday.

Barcelona ayaa ah kooxda labaad ee ugu guulaha badan horyaalka Spain ee LaLiga, waxaanay qaadday 27 jeer oo uu ku jiro koobka ay caawa u dabbaal-dageen, waxaana ka horreysa Real Madrid oo 33 jeer ku guuleysatay horyaalka LaLiga

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here